Qaybta 5: Waa Maxay Barnaamijka Cuntada xannaanada ee ilmaha iyo dadka waaweyn Halkee baan Aadayaa si aan iskaga Diwaangaliyo.

[English] [Español] [Farnsiis] [Português]

Smiling baby in a highchair being fed with a spoon by her mother.Waa maxay Barnaamijka Cuntada Xannaanada Dadka Waaweyn (CACFP)?

Maine Child and Adult Care Food Program. Healthy habits that last a lifetime!Barnaamijka daryeelka cunada ee caruurta iyo dadka waaweyn (CACFP) waa barnaamij federaali ah oo ay maamusho dawlad-goboleedyada si loo hubiyo in caruurta xaqa u leh ay helaan cunto caafimaad leh, nafaqo leh. CACFP waxay u adeegtaa Barnaamijyada Dugsiga Kadib Halista ku jira, Xarumaha dadka waaweyn ee maalinti, Xarumaha Xanaanada Caruurta, Guryaha Xanaanaynta Qayska ee Maalinti iyo Hoyga Gurmadka. Barnaamijka Cunnada Daryeelka Carruurta iyo Dadka Waaweyn ayaa u adeegay 4.2 milyan oo caruur ah iyo 130,000 oo qaangaar ah dalka oo dhan.

Qaybta Xarumaha Xanaanada Caruurta ee CACFP waxay siisaa maalgelinta xarumaha daryeelka caruurta ee dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, Head Starts, iyo xarumaha daryeelka saacadaha dugsiga ka baxsan. Xarumaha macaash-doonku waa inay caddeeyaan in 25% kuwa ay daryeelayaan ay ka soo jeedaan qoysas dakhligoodu hooseeyo. Ilaa 2 cunto iyo 1 cunto fudud oo canug ah maalintii ayaa laga bixinayaa CACFP.