Furitaanka Xanaanada Caruurta ee Maine: Khayraadka iyo Taageerada.

[English] [Español] [Farnsiis] [Português]

A collage of 5 images of children ranging in age from infant to 8 years, of various ethnicities. The children are playing outside, having a book read to them by a child care provider, and others are looking at books.Waa qofkee iyo maxaad u adeegsanaysaa khayraadkan?

Haddii aad hadda uun bilaabeyso socdaalka aad ku furayso ganacsiga daryeelka carruurta ee Maine ama aad ku jirto bartamaha hawsha, kheyraadkani wuxuu noqon karaa taageero.Kheyraadkaani wuxuu ka kooban yahay waxyaabaha soo socda:

  • Macluumaadka iyo go’aan looga gaadhayo qaab dhismeedka ganacsiga daryeelka ilmaha ee kugu habboon adiga.
  • Talaaboyinka  ugu horeeya  eed ku furanayso ganacsiga daryeelka caruurta.
    Sidee baa loo codsankaraa furintaanka ganacsiga daryeelka caruurta.
  • Sidee baa loo codsadaa in la aqbalo kaalmada daryeelka carruurta sida ganacsiga daryeelka carruurta.
  • Sidee baa loo codsadaa  inay qayb ka noqoto barnaamijka Cuntada ee Daryeelka Ilmaha iyo Dadka Waaweyn ee ganacsiga daryeelka carruurta.

Qaar badan oo ka mid ah xiriiriyaasha kheyraadka ee PDFs. Waxaad u baahan doontaa akhristaha PDF si aad u aragto. Waxaad kala soo bixi kartaa nooc bilaash ah oo ah Acrobat akhriya ah halkan.

Soo dejiso Liiska Hubinta in aad Noqoto Bixiyaha Xanaanada Ilmaha ee Maine (PDF) si aad ula socoto horumarkaaga markaad u gudubto tillaabooyinka lagu dabaqayo inaad noqoto bixiye daryeel Ilmaha ee Maine.

Ilahan, Furitaanka Xannaanada Carruurta ee Maine, ayaa laga soo turjumay Ingiriis loona turjumay Soomali, Português, iyo Español iyadoo lala kaashanayo tarjumaannada bulshooyinkan. Ma xaqiijin karno saxsanaanta tarjumaadda goobaha dibadda ee lagu tixraacay kheyraadkan.

Kheyraadkaan, Furitaanka Daryeelka Caruurta ee Maine: Kheyraadka iyo Taageerada, ee horumarinta iyo waada shaqaynta waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Maine, Xafiiska Adeegyada Caruurta iyo Qoyska; iyo Wadooyinka Maine ee Shabakada Horumarinta Xirfadeed ee Tayada leh; oo ay ku jiraan maalgelin ay ka heshay Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Maine,Xafiiska Adeegyada Caruurta iyo Qoyska, Deeqda Horumarinta Daryeelka Caruurta; iyo Jaamacadda Maine Center ee Ku darida Bulshada iyo Daraasaadka Naafada iyadoo laga maalgalinayo Mareykanka. Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha, ee Maamulka Naafada ( Grant No. 90DDUC0056 ).

Guji xiriiriyeyaasha hoose si aad u bilowdo ama u isticmaasho buuga yar ee tilmaamaha, Furitaanka Daryeelka Ilmaha ee Maine, safka bidixda si aad ugu gudubto qaybaha kala duwan ee kheyraadkan.